DAAWO: Azerbaijan oo qiratay inay markii ugu horreeysey adeegsatey hub casri ah oo uu Turkigu sameeyey

0

(Baku) 05 Okt 2020 – Azerbaijan ayaa sheegtay inay markii ugu horreeysey dagaalka ay Armenia oo ay isku hayaan Nagorno-Karabakh kula jirto u adeegsatey daroonnada Turkiga.

“Daroonnada casriga ah ee Turkiga dartood Ciidanka Azerbaijan waxyeello badan kalama kulmin furunta hore,” ayuu yiri MW Azerbaijan, Ilham Aliyev oo waraysi siiyey hilinka Turkiga ah ee TRT Haber isagoo sheegay in daroonnadani ay muujinayaan awoodda Turkiga.

Wararku waxay sheegayaan in nooca ay Azerbaijan adeegsatey uu yahay Bayraktar TB2, oo ah isla nooca ay Turkigu ku burburiyeen hubka Suuriya ee uu Ruushku sameeyo kaddib askartii looga laayey Idlib.

Ilo Turkish-ka ku dhow ayaa sheegaya in Azerbaijan ay bishii Juun iibsatey 6 xabbo oo ah daroonnada Bayraktar TB2.

Hadalsame Media