”Miyaan dhiman rabaa?!” – Trump oo markii uu nafta u yaabay soo xusuustay nin saaxiibkii ahaa + Sababta

0

(Washingon, DC) 04 Okt 2020 – Agaasimaha Madaxtooyada ayaa sheegay in MW Donald Trump uu xaalkiisu halis galay Jimcihii oo ay cabsadeen kaddib markii uu wadnihiisu si aad ah u garaacmay isla markaana uu heerkulkiisu gaarey 103 F, sida uu sheegay Mark Meadows, oo Trump la jooga isbitaalka Walter Reed hospital.

Wuxuu sheegay in uu aad hoos ugu dhacay ogsijiinka dhiiggiisu isla markaana ay xumad ba’ani haysey, sida uu shalay u sheegay weriyaha xag-jirka ah ee Fox News, Judge Jeanine Pirro.

3 nin oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo ku dhow Aqalka Cad ayaa sheegay in 74-jirkan uu xaalkiisu cirka isku shareeray kaddib markii lagu duray dawo lid-jireed ah.

Trump ayaa deeto bilaabay inuu geerida ka werwero isagoo waydiiyey: ‘Miyaan u dhimanayaa sida Stan Chera?’ ayuu Trump ku celceliyey, isagoo ula jeeda saaxiibkii oo ahaa ganacsade hantida ma guurtada ah oo Covid u dintay 11-kii Abriil, isagoo 79 jir ah.

Si kastaba, xaalka Trump iyo xaaskiisa ayaa haatan si aad ah uga soo raayey, waloow uu CNN sheegayo in uu jahawareer ka jiro xaaladda Trump.

Hadalsame Media