MW Maraykanka & xaaskiisa oo laga wada helay cuduka Covid-19

0

(Washington, DC) 02 Okt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa xaqiijiyey in isaga iyo xaaskiisa Melania Trump laga wada helay cudurka coronavirus, saacado uun kaddib markii la ogaadey inuu cudurka ku dhacay nin isaga kaaliye dhow u ahaa.

“Caawa, [Marwada Koowaad] iyo aniga waxaa na helay COVID-19. Waxaana si dhaqse ah u bilaabaynaa karaantiil iyo soo kabasho. Tan waannu wada maraynaa!” ayuu MW soo tweet gareeyey saaka.

Marwada Koowaad ayaa iyaduna sheegtay in iyada iyo Trump ay “wanaag dareemayaan.”

“Fadlan hubiya inaad badbaaddaan waana wada maraynaa middaan,” ayay uga koobisey tweet kale.

Trump ayaa inta badan muujiya inuu yaraysanayo cudurka Covid-19 amaba uusan wax ku filan ka qaban Maraykanka oo uu dhib badan ku hayo, isagoo maalin dhowayd uun Minnesota ku qabtay isu soo bax ballaaran.

Hadalsame Media