MW hore ee Faransiiska oo lagu haysto laaluush uu ka qaatay dalka Libya (Weji gabax uu kala kulmay Maxkamadda Rafcaanka)

0

(Paris) 27 Sebt 2020 – MW hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, ayaa guuldarro kala kulmay Maxkamadda Rafcaanka oo ku gacan sayrtay qorshe uu ku doonayey in meesha looga saaro baaritaan 8 sanadood socdey oo ku saabsan laaluush uu ka aqbalay kali taliyihii Libya ee Muammar Gaddafi si loo maalgeliyo ololihiisii dooraaho ee 2017-kii.

Go’aanka Maxkamadda ayaa sidaa darteed ka dhigam in lasii wadayo baaritaanka taasoo dishey rajadii Sarkozy ee ahayd in kiiskan la xiro, sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ihi.

Webka daba-galka ee MediaPart, oo ahaa midkii ugu hor daabacay wararka laaluushkan Libya ayaa sababay in la furo baaris ay horseed ka yihiin garsoorayaasha Aude Buresi iyo Marc Sommerer.

Sarkozy iyo saaxiibada kale ee ay soo galeen jidadka baarista ayaa u orday Maxkamadda Rafcaannka, iyagoo weeraraya hab-raaca balse aan dafirsanayn eedda lafteeda.

Hadalsame Media