MW Farmaajo oo ka hadlay halka uu marayo geeddi socodka 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir & cidda ay hadda horyaallaan

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2020 – Madaxweynaha dalka, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay su’aalo dhowr ah ka jawaabey qaarna ka gaabsaday mar uu marti u ahaa xiisad su’aalo waydiin ahayd oo uu agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda, ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen 13-kii kursi ee Aqalka Cad looga qoondeeyey Gobolka Banaadir.

“13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka,” ayuu yiri Madaxwanuhu, isagoo raaciyey.

”Maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.” ayuu daba dhigay.

Waxaa ay xogtu sheegaysaa in 13-kan kursi aan weli loo dirin Aqalka Sare, isla markaana aanu jirin heshiis siyaasadeed oo laga gaarey, balse uu Guddoonka Aqalka Hoose uu u diray Guddi Farsamo oo dhanka sharciga ah.

Hadalsame Media