”Cabdifitaax Siisi waa cadowga Ilaahay!” – Dibadbaxyo maalintii 5-aad ka socda Masar

0

(Qaahira) 25 Sebt 2020 – Shacabka Masar ayaa wada dibadbaxyo ay maalintii 5-aad oo xiriir ah dhigayaan, iyagoo ka jawaabaya baaqii Mohamed Ali oo ahaa inay u midoobaan nidaamka kali taliska ah ee dalkaa xukuma.

Intii uu xilka hayey, waxay Xukuumadda Cabdifitaax Al-Sisi ku eedeysnayd gacan culays iyo ku tacadin dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ay ku jiraan dilal, jirdil yo burburin hanti aan xeerka waafaqsanayn, waxaana dadka la bahdiley ee silaca u dhintay ka mid ahaa MW uu xilka ka xoogey.

Waxaa sidoo kale lagu dhibsaday sida uu ula xaalay xasaradda Libya iyo biya-xireenka Renaissance Dam ee dalka Itoobiya iyo cudurka Covid-19, iyadoo mudaaharaad ka dhacay degmada Atfih ee Giza ay dadku dab qabadsiiyeen gawaarida ciidamada amaana, sida ay qortay Al-Araby Al-Jadeed.

Minya Al-Hayit, oo ka tirsan Wilaayada Fayoum, waxay ku qaylinayeen: “Alle ma ahane Ilaah kale ma jiro… Siisi na waa cadowga Ilaahay.”

Hadalsame Media