(Hadalsame) 24 Sebt 2020 – Waxa jira todoba aayadood oo kitaabka baybalka ku yaal (Bible) oo uu kaga hadlayo kitaabkaasu qosolka ama isku xujeynta dhoola cadeynta xiliyada adag ee umadaha kiristanka so mara (Smile challenge), sida xanuunnada, colaadaha, dhaqaale xumada, masiibooyinka dabiiiciga ah Iwm. Halkan ka akhri…
Xiliyada adag ee soo mara dunida gaar ahaan kuwa haysta diinta Kirishtanka ama sheegta inay caabudaan Ciise Masiix (Nabi ciise) ayaa aayaduhu farayaan in ay murugada iska ilaaliyaan oo ay is dejiyaan, farxadna muujiyaan, isna jeclaadaan.
Qoysaskoodana ay muqaallo ama sawiro muujinaya farxad iyo in xillagaan adag laga bixi doono ay u diraan, si ay u aaminaan in berri ay maanta ka fiicaan doonto xilliga adagna uu xili wanaagsani ka dambayn doono.
Maalin kasta inta lagu jiro xilliga adag in uu qof kasta akhriyo aayadahaas, dhoolla cadeeyana ugu yaraan todobo jeer maalinkii. Noloshana uu ka dhigto qofku wax fudud ilaahayna u jaceyl iyo ixtiraam u muujiyo.
Waa inoo muhiim Soomaali hadaan nahay, maadaama aan nahay dad Islaam ah in aan wax kasta oo aan samaynayno aan iska baarno ugu yaraan inta aynaan ku dhaqaaqin.
Waxay aayadahan Masiixiyaddu caksi ku yihiin aragtida Islaamka oo ka hor jeedda lahwiga iyo wirixa, balse ku baaqaysa in aad loo baraandego oo loo tadaburo bedelkii qosolka maalaayacniga ah, si loo khusuuco oo Alle iyo aakhiro loo xusuusto waloow aysan mamnuuc ahayn in la farxo.
Xaaskii Nabiga Caa’isho (RC) waxay tiri Nabi Maxamed (NNKH) wuxuu yiri naxariis korkiisa ha ahaatee.
(لو تعلمون ما أعلم لضحكتم قليلا ، ولبكيتم كثيرا)
Waxaa Qoray: Faaduma Timo-Jilic & Maxamed Xaaji
Hadalsame Media