(Abuu Dabeey) 22 Sebt 2020 – Dhaxal-sugaha Abuu Dabeey, Mohamed Bin Zayed, ayaa wuxuu Pentagon u bandhigay soo jeedin ah inay saldhig cireedka ay ku leeyihiin Incirlik Air Base ee Turkey ay usoo raraan Imaaraadka, sida uu faafiyey New Khaleej.
Ilo wargal ah oo wargayska xog siiyey ayaa daboolka ka qaaday in ujeedkan uu ninkani ku doonayo inuu Maraykanka u muujiyo sida qotada dheer ee uu ula shaqaynayo, isagoo taa biddaalkeeda hoos qodaalaynaya Turkiga.
The New Khaleej oo soo xigtey Tactical Report, oo ah warqaad faaqida arrimaha sirdoonka ayaa intaa raaciyey in Bin Zayed uu doonayo inuu danaha istaraatijiga ah ee Abuu Dabeey ka sara mariyo wax kasta oo kale, taasoo ay ku jirto xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya Bin Zayed iyo MW Maraykanka ee Donald Trump.
Yeelkeede, Maraykanka ayaa Talaadadii dhowayd arrintan ka sii hadlay, iyadoo uu afhayeenka Pentagon ee Gaashaanle Thomas Campbell uu u sheegay wakaaladda Turkiga ah ee Anadolu in Maraykanka “aanay haatan u qorshaysnayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik Air Base.”
Warka MBZ ayaa xigey mid uu horay usii sheegay Senatarka midigta ah ee Maraykanka, Ron Johnso, kasoo u sheegay Washington Examiner in Maraykanku uu doonayo inuu usoo wareego gasiiradda Giriigga ah ee Crete si uu uga maarmo Incirlik.
“Maraykanku wuxuu tobannaan sanadood ku sugnaa saldhigga Incirlik Air Base oo ay u fasaxday Dowladda Turkigu, taasoo muujinaysa xiriirka xoogga ee ka dhexeeya Maraykanka iyo dalka aannu xulafada NATO nahay ee Turkey,” ayuu yiri Campbell.
Hadalsame Media