“Haddii ay 9 milyan oo Yuhuud ihi ay ka fiican yihiin 400 oo milyan maxaa lagu maagayaa?!!” – Taliye Xigeenka Booliiska Dubai oo moowjado kiciyey

0

(Dubai) 19 Sebt 2020 – Dhahi Khalfan, Taliye Xigeenka Booliiska Dubai, ayaa fadeexad iyo ceeb dhex fariistay kaddib markii uu sheegay in “Yuhuuddu ay ka fiican tahay Carabta” marka la eego cilmiga sayniska, maaliyadda iyo siyaasadda.

Khalfan ayaa sheegay in “Yuhuudda lagu nacayo iyada oo yara bakhiil ah oo lacagta jecel,” ayuu yiri Khalfan oo Twitter soo dhigay dhowr tweet.

“Waxaan akhriyey wax badan oo aan ku ogaadey in Yuhuudda lagu nacayo inay lacagta maamusho.”

“Balse cambaaraynta Yuhuuddu micne malaha, cabsideenna ku saabsan is ballaarinta Yuhuudduna qiil ma haysato. Haddii 9 milyan oo Yuhuud ihi ay ka fiican yihiin 400 milyan oo Carab ah, dhanka sayniska, maaliyadda iyo awoodda siyaasadda. Dhibaatadu waa annaga ee Yuhuud maaha. Maxaan dadka kale u eedaynaa had iyo goor?” ayuu waydiiyey Khalfan isagoo Carabta usoo jeediyey inay “xeesha iyo ilbaxnimada” ilma adeerradood ka bartaan, sida uu u yiri.

Hadalsame Media