
(Ankara) 17 Sebt 2020 – Turkiga ayaa sheegay inuu kulminayo muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyarro ah oo lagu magacaabo Guuleed Adem Cabdi iyo ninka sameeyey daroonkii ugu horreeyey ee uu Turkigu yeesho.
Guuleed Yare oo lagu naanayso “Injineerka” isla markaana leh hibooyin iyo hal abuur gaar ah isla markaana dhowr mar isku dayey sameynta samballo diyaaradeed ayaa loo qaadayaa Turkiga si wax loo baro.
Madaxweynaha Hay’adda Gargaarka Turkiga ee TÌKA ayaa sheegay in wiilkan ay markii hore iyagu soo heleen kaddib markii lagu baahiyey baraha bulshada.
Guuleed ayaa ku nool magaalada Buhoodle ee gobalka Togdheer, ayaa horay in waxbarashada laga kaalmeeyo waydiistey Maamulka Puntand, balse wax gacan ah lama siin, sida ay xaqiijiyeen weriyeyaasha maxalliga ihi.
Yeelkeede, dhawaaqa uga imanaya dhanka Ankara ayaa uga dhigan guul wayn oo uu kaga dhabayn karo hiraalkiisa iyo hamigiisa gaarka ah ee dhanka curinta.
Wuxuu si gaar ah ula kulmi doonaa aabaha daroonnada is wada ee Turkiga Selcuk Bayraktar (UAV) qaarkoodna isaga loogu magac daray oo ay wada sheekaysan doonaan.
Great news!
President of Turkish Aid Agency (TİKA) @SerkanKayalar_ found Guled Adam Abdi in #Somalia.
Mr. Kayalar will bring together Chief architect of Turkey’s first indigenous, operational UAV Systems Selçuk Bayraktar and Guled Adam Abdi in Turkey. pic.twitter.com/GfwkWjUmdH
— Umut Çağrı Sarı (@umutcagrisari) September 16, 2020
Hadalsame Media