Munaasabadda saxiixa heshiiska Imaaraadka & Israel ee maanta oo loo wada gooyey (Waa kee wasiirka qura ee EU ka socda ee ka qayb gelaya)

0
Israeli National Security Advisor Meir Ben-Shabbat elbow bumps with an Emirati official ahead of boarding the plane before leaving Abu Dhabi, United Arab Emirates September 1, 2020. REUTERS/Nir Elias/Pool (Photo by NIR ELIAS / POOL / AFP)

(Washington, DC) 15 Sebt 2020 – Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Aqalka Cad lagu saxiixo wax lagu sheegay ”heshiis taariikhi ah” oo dhexsanaya Imaaraadka iyo Israel, kaasoo ay sidoo kale Wasiir Dibeedkeeda usoo dirsanayso Baxrayn oo Jimcihii heshiis ku dhawaaqday, balse la fahamsan yahay in iyana lagu cadaadiyey in ay qaab qoor qabad ah kula heshiiso Israel.

Yeelkeede, dalalka Galbeedka gaar ahaan Midowga Yurub ayaa hoos u dhigay maqaamka heshiiskan, waxaana munaasabaddaasi dalka qura ee EU ku jira ee tegayaa uu yahay Wasiir Dibadeedka Hungry ee Peter Szijjarto, sida ay qoreeyso Reuters.

Trump, oo ah ninka heshiiskan riixaya isagoo doonaya inuu codad uga helo kooxaha xag-jirka ah ee Israel sida indha la’aanta ah u raacsan iyo qolyaha Muxaafidiinta Cusub oo ah saldhig siyaasadeed oo xoog leh.

Dalalka waawayn ee Midowga Yurub ayaa waloow ay heshiiskan soo dhoweeyeen misna ka wada gaabsaday inay wefdi heer sare ah u dirsadaan.

Hadalsame Media