DAAWO: Mucaaradka, culumada & shacabka Baxrayn oo kasoo horjeestey heshiiska Israel

0

(Manama) 15 Sebt 2020 – Mucaaradka shacabka iyo culimada Baxrayn ayaa sheegay inay diiddan yihiin heshiiska uu dalkoodu la galay Israel ee lagu sheegay in lagu caadiyeynayo xiriirkooda, iyadoo uu wadaadka Shiicada dalkaa u badani uu isna ku baaqay in heshiiskan la iska caabbiyo, sida ay qoreeyso Reuters.

Wadaadka Ayatollah Sheikh Isa Qassim, oo musaafuris ahaan u deggan Iiraan, ayaa warbixin uu soo saaray oo ay soo qaateen mucaaradka siyaasadeed ee jasiiraddaasi ku sheegay inuu heshiiskaa ka hor jeedo, sida uu faafiyey Xisbiga mucaaradka ah ee al-Wefaq, oo aad ugu dhow Qassim.

”Heshiiskii Imaaraadka iyo Israel ee bishii hore, iyo midka ay Jimcigii ku dhawaaqday Baxrayn, wuxuu ka hor jeedaa rabitaanka umaddeenna.” ayay yiraahdeen.

“Waxaa jira farqi wayn oo u dhexeeya xaakimka iyo la xukumaha. Dowladda waxaa ku dhacday guuldarro niyadeed waxayna doonayaan inay dadka kula dhul dhacaan marka waa in la iska caabbiyaa,” ayuu u dhignaa warka uu Xisbigu faafiyey balse kasoo fufay Qassim.

Dhanka kale, muuqaal ay soo duubeen qaar ka mid ah shacabka Baxrayn ayaa muujiyey inaysan la dhacsanayn heshiiska Baxrayn iyo Yuhuudda isla markaana ay taageersan yihiin qaddiyadda Falastiin oo aanu heshiiskani meel saaraynin.

Bulshada rayidka ah ayaa iyaduna diidey heshiiskan oo la fahamsan yahay in lagu cadaadiyey nidaamka Baxrayn oo markii hore diiddanaa.

Halkan ka DAAWO….

 

How to Share With Just Friends

How to share with just friends.

Posted by Facebook on Friday, December 5, 2014

 

Hadalsame Media