Beesha Caalamka oo muujisay inay fahamsan tahay SHAX uu ciyaarayo MW Farmaajo (Qishka ay bixiyeen)

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2020 – Beesha Caalamka ayaa soo waloow ay soo dhoweysay shirka Madaxtooyada iyo Maamul-goboleedyada uga furmay Muqdisho waxay misna caddeeyeen inay dareensan yihiin in shirkaasi aanu kamilnayn.

Waxay beesha caalamku sheegtay inay quudarreyneyso in saamileyda kale ee siyaasadda Somalia sidoo kale laga talo geliyo shirka “si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisa.”

“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.” ayuu u dhignaa warka kasoo baxay beesha caalamka.

Dalalka war saxaafadeedkan soo saaray ayaa saluug ka muujiyey in madaxtooyadu ay kaligeed la wareegtey howlihii DF, iyadoo aanay shirka qayb ka ahayn labada aqal ee baarlamaan, xisbiyada dalka iyo Xukuumaddii maadaama aanu jirin RW rigli ah iyo xukuumad rasmi ah, taasoo ka dhigan in Madaxwaynuhu uu kaligii isku haysto dhamaanba awooddii DF, taasoo dilaysa miisaanka iyo culayska isla DF.

War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo dalalka kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Hadalsame Media