(Tel Aviv) 12 Sebt 2020 – Barnaamij ka baxay hilin la iska arko oo Israeli ayaa dood dhaliyey kaddib markii uu ku maadsadey heshiiska Imaaraadka iyo Israel iyo madaxda labada dhinac.
Barnaamijka maadda ah ee ka baxa Channel 12 ee Eretz Nehederet ayaa sii daayey muuqaal kartoon dhaqaaqaya ah ayaa waxaa ka muuqda RW Benjamin Netanyahu iyo Dhaxalsugaha Abuu Dabeey Mohammed bin Zayed oo lagu metelayo laga roonayaal, gaar ahaan MBZ una dabaal degaya heshiiska labada dhinac.
“Waxaan leenahay nagu filan khilaafkeennu, kaddib sanado badan oo aynaan abidba is dagaalin, ugu dambayn waxaan nabad ka dhigi doonnaa agagaarka Dubai,” ayuu leeyahay Netanyahu oo heesta bilaabaya.
Waxaa bayjka lagu furayo heestan maadda ah looga gol leeyahay in lagu muujiyo inay wax lagu sheegay “heshiis nabadeed” gaareen laba dhinac oo aan abid horay u dagaallamin.
“Si ka duwan Begin (RW hore), anigu waxba kama tanaasulin,” ayuu sii raacinayaa muuqaalka metelaya RW Israeli, oo sheegaya Menachem Begin oo MW Masar ee Anwar Sadat heshiiska la gaarey 1979-kii.
“Marka laga reebo xig-goosiga Daanta Galbeed,” bin Zayed ayaa isku difaacaya, kahor inta aanay labada hoggaamiye isla qaadin halku dhegga heesta iyagoo leh: “Nabad cusub, dhiig cusubi ma daadan doono.”
Kartuunka oo la saaray heesta Disney ee Aladdin “A Whole New World”, ayaa halkii ay salliga sixirka ah ee Princess Jasmine, ku duuli lahaayeen waxaa lagu bedeley dayuuradda ay samayso Lockheed Martin ee F-35, taasoo muran ka dhex wada labada dhinac iyadoo xitaa la sheegay in Imaaraadku uu mar kansalay kulan uu la yeelan lahaa Israeli iyo Maraykanka kaddib markii uu Netanyahu diidey in F-35 laga iibiyo Abuu Dabeey, iyadoo ay siyaasadda Maraykanku dhigayso ka sarraynta Israel ee Carabta dhanka agabka ciidan.
“Nabad cusub, dayuurad cusub, kaliya adiga dartaa,” ayay heestu ku soo afjarmaysaa.
Muuqaalkan laga roonaha ka dhigaya MBZ ayay ka falceliyeen dadwaynaha Carbeed oo sheegay in beri dhowayd la xirey farshaxaniiste Urduni ah oo sawiray MBZ oo ay wejiga uga xaartay shimbir qoolleey ah, balse aan midkan waxba laga qaban karin.
Mid kale ayaa soo qaatay farshaxaniiste, Eli Yatzpan, oo hadda kahor ku maadsadey Hosni Mubarak, balse wuxuu uga dacwoodey David Levy oo markaa ahaa Wasiir Dibadeedka Israel, waxaana lagu yiri: ”Sharciga Israel wuxuu fasaxayaa Xorriyadda Hadalka”, waxbana kama qaban karo.
Following the normalization agreement,#Israel‘s Channel 12 mocks #UAE‘s Crown Prince bin Zayed
Mohammed bin Zayed was portrayed as a gay and lover of Israeli PM Netanyahu, trying to get close to him in every way.
-En24news-
— EHA News (@eha_news) September 10, 2020
1- A Jordanian mocks in a cartoon the way Israel has humiliated Emirates – despite “peace” deal – by blocking F-35 fighter jets deal with the US.
2- UAE gets upset ?
3- Jordan orders the arrest of the artist
4- Artist is a hero, Jordan a puppet, UAE too scared of a cartoon ?— Dima Khatib ديمة الخطيب (@Dima_Khatib) August 27, 2020
حلقة لبرنامج “إيرتس نهديرت” الساخر، الذي تبثه قناة 12 الصهيونية حول محمد بن زايد ونتنياهو، حيث تحول بن زايد إلى مادة للترفيه
عندما نشر رسم الفنان الكاريكاتير عماد حجاح حول الاتفاق مع #الامارات قامت الدنيا ولم تقعد، ضغطت الإمارات واعتقل الأردن حجاج ولازال يواجه قضية pic.twitter.com/mGlskAI3oc
— د.صالح النعامي (@salehelnaami) September 9, 2020
Hadalsame Media