Dayuuradaha dagaalka Shiinaha oo maalmahan iska gala hawada Taiwan & digniin loo jeediyey + Sawirro

0

(Taipei) 12 Sebt 2020 – Dayuuradaha Ciidamada Cirka Shiinaha ayaa 2 jeer oo xiriir ah galay hawada Taiwan, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga jasiiraddaasi.

Maamulka Taiwanese-ka ah ayaa sheeganaya in dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee Su-30 fighters iyo midda xamuulka ciidan ah ee Y-8 ay jasiiradda kasoo gelayeen dhanka koonfur galbeed labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Waxaa deeto dhacday inay Ciidamada Cirka Taiwan ay kiciyaan dayuuradohooda dagaalka si ay hawadooda uga gelbiyaan dayuuradaha Shiinaha, sida ay sheegtay WG.

Waxay kaloo sheegeen inay nidaamka Beijing war toos ah u marsiiyeen hilinnada xiriirka ah iyagoo ku wargeliyey “inaysan dumin nabadda gobolka” balse ay biddaalka “nabad ka abuuraan gobolka.”

Hadalsame Media