”Waad holcaysaan!” – Iiraan oo Imaaraadka uga digtey in ay Israel uga soo duusho saldhigyo uu siiyey

0

(Tehraan) 10 Sebt 2020 – Saraakiil sare oo ka tirsan nidaamka Tehraan ayaa Imaaraadka uga digey inay Israel uga soo duusho dhulkooda, taasoo ay ku tilmaameen inay u arkayaan mid halis ku ah amaankooda qaran.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii uu Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo uu ka dhawaajiyey in Abuu Dabeey iyo Tel Aviv ay dhisanayaan isbahaysi ka dhan ah Iiraan, taasoo keeni karta in ay Israel saldhig ciidan ku yeelato Imaaraadka, iyadoo uu warka Iiraan, oo dhanka kale ka joogta Gacanka Beershiya, uu u dhacayo inay duqayn doonaan Imaaraadka haddii looga duulo.

Sida ay sheegtay Al Jazeera, sarkaal Iiraani ah ayaa sheegay in heshiiska Imaaraadka iyo Israel uu halis ku yahay amaanka Khaliijka, isagoo farta ku godey in “Abuu Dabeey ay mas’uuliyadda dhabarka u ridanayso.”

Wuxuu Imaaraadka ugu baaqay inay ka laabtaan isbahaysigan ay la gelayaan “Sahyuuniyadda” si aysan u gelinin khilaafyo halis ah, isagoo dhaxalsugaha Mohammed Bin Zayed ugu baaqay in aanu go’aamada iyo siyaasadda dalkiisa “khiyaali” ku dhisin.

In yar uun kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiska labada dhinac, MW Iiraan ee Hassan Rouhani ayaa horay u sheegay in Imaaraadku ay ku keceen “khalad wayn”, isagoo ku eedeeyey inay Muslimiinta khiyaaneen, isla markaana tuureen qadiyaddii Falastiin iyo Quddus.

Warqaadka Kayhan ayaa isna sheegay in heshiiskani uu “Imaaraadka ka dhigi karo dal dagaal iyo dhib u joog ah, halkii uu awal ka ahaa dal yar oo qani ah.”

Hadalsame Media