Dalka UK oo gaadiid ciidan ugu deeqay Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 06 Sebt 2020 – Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ayaa helay agab ciidan kaddib markii lagu wareejiyey gaadiid ciidan.

Qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka (SNA) ayaa maanta lagu wareejiyey gaadiid dagaal oo loogu talo galay ciidamada dalka oo ku jira marxalad dib u dhis iyo qalabayn ah.

Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga DF Somalia, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), gaadiidkan ayaa waxaa Ciidamada Xoogga ugu deeqay dalka Britain.

“Waxaan u mahad celinayaa Dowladda UK oo ka soo jawaabtay codsigeennii ahaa in ay nagala qayb qaataan dib u dhiska Ciimadamada Qalabka Sida” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Md Amar Dambe.

Hadalsame Media