Maamulka Puntland oo albaabbada u laabay 4 dugsi sare oo ku yaalla Gaalkacyo (Sabab yaab leh oo lagu haysto)

0

(Gaalkacyo) 02 Agoosto 2020 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa tibaaxaya in Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee qaybta Puntland ay albaabbada iskugu dhufteen 4 dugsi sare oo ku yaalla dhanka uu ka taliyo Maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale la wada xirey afartii maamule ee dugsiyadan sare oo haatan xiran iyagoo barwo la’aan ah.

Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa inay xiritaanka iskuulladan ku haystaan wax ay ku sheegeen inay ”baal mareen sharciga waxbarashada Puntland, sida uu Guddoomiyaha Waxbarashada Mudug ugu qaybsan Puntland uu u sheegay weriye maxalli ah.

Yeelkeede, dad goobjoogayaal ah ayaa isla saxaafadda maxalliga ah u sheegey in dugsiyadaasi lagu dhiganayey manhajka dhexe ee waxbarasho ee Somalia oo aanu jirin dembi kale oo ay galeen, waloow uu maamulka Puntland arrintaa beeniyey.

Ardaydii iskuulladan oo arrintan ka xumaaday ayaa la sheegayaan inay ku qamaameen saldhigyada lagu xirey maamulkooda, balse waxaa rasaas ku kala cayriyey Booliiska, sida ay xogtu nagu soo gaareyso.

Hadalsame Media