Maamulka Inter Milan oo dayro la soo istaagey jeer ay taageerayaashu MESSI ka sugayeen

0

(Milano) 02 Sebt 2020 – Maareeyaha Ciyaaraha ee Inter Milan ee Piero Ausilio ayaa han jebiyey taageerayaasha kooxdiisa, isagoo sheegay inaysan soo wadin ama goyn karin N’Golo Kante iyo Federico Chiesa iskaba daa Sandro Toneli oo ay Milan ka dul qaadday iyo Lionel Messi, balse wuxuu sheegay inuu tegi karo  Marcelo Brozovic.

Maareeyaha oo la hadlay Sportitalia ayaa biyo qabow ku sayray filashooyinkii taageerayaashiisa. “Waxaan dhihi karaa Messi oo Inter yimaadaa waa mustaxiil, marna wax wadaxaajood ihi ma jirin nooc kastaba. Inter ma awooddo taas oo waa ka sarreeysaa awooddeenna dhaqaale,” ayuu yiri.

Ausilio ayaa sidoo kale beeniyey wararka sheegaya inay soo wataan garab weerarka Fiorentina ee Chiesa iyo laacibka Chelsea ee €50m-lagu qiimeeyo ee Kante oo khadka dhexe ka dheela.

“Waa u riyaaqnaa wiilkaas, balse waa inaan waaqici ahaannaa, waa muhim inaan daacad ula hadalno taageerayaasha. Kante sidoo kale suuragal maaha,” ayuu yiri isaga oo dayrinaya isla markaana sheegay inuu tegi karo Brozovic oo uu dhaqan xumo ku eedeeyey.

Hadalsame Media