(Tel Aviv) 31 Agoosto 2020 – Dayuurad rakaab ah oo Israeli ihi middii abid ugu horreeysey oo sidda wefdi ka socda Israel iyo Maraykanka ayaa u duushay Imaaraadka iyada oo ka degtey Abuu Dabeey.
Dayuuraddan ayaa la sheegay inay dul martay hawada Sucuudiga, waana markii ugu horreeysey ee uu Sucuudigu si cad u ogolaado dayuurad Israeli ah, sida ay qortay Reuters.
Dayuuraddan oo ah calan-sidaha Isrsel, El Al, ayaa wadda wefdi u badan kaaliyeyaasha MW Maraykanka, Donald Trump iyo RW Israel ee Benjamin Netanyahu – oo ay wehlinayaan weriyeyaal badan oo soo duwaya dhacdooyinka xiriirka labada dhinac.
Nin ka mid ah wefdiga oo magaciisa qariyey ayaa la waydiiyey inay dayuuraddu dul mareeyso Sucuudiga Carbeed wuxuuna ku jawaabey “haa!”
Dhanka kale, 4 dal oo kale oo ay dulmari karto dayuuradda El Al ayaa ka gaabsaday inay gebi ahaanba ka hadlaan arrintan.
Sucuudiga ayaa beri dhowayd iska diidey inuu wax xiriir ah oo furan la yeelanayo Israel, waloow tan loo arkayo khafiifin ku aadan moowqifka dalkaasi ee ku aaddan Israel.
Hadalsame Media