Qarax ka dhacay Imaaraadka & Booliiska oo hal arrin ka digey

0

(Abuu Dabeey) 31 Agoosto 2020 – 2 qofood ayaa ku dhimatay halka ay dhowr kale ku dhaawacmeen 2 qarax oo kala gaar ah oo ka dhacay caasimadda Imaaraadka ee Abuu Dabeey, jeer lagu wado inay booqdaan wefdi Maraykan iyo Yuhuud ah, sida ku qoran Arab News.

Sida ay Booliiska maxalliga ihi sheegeen, qaraxa ayaa ka dhacay makhaayadaha KFC iyo Hardees oo ku yaalla jidka Rashid bin Saeed Street – oo maxalli ahaan loo yaqaan Jidka Garoonka – waxaana sidoo kale burburay dukaamo kale oo tafaariiqda iibiya.

Booliiska Abuu Dabeey ayaa sheegay in uu qaraxa sababay gaas qarxey, iyadoo meesha laga saaray dadkii ku waxyeelloobeey iyo kuwii ka badbaadey intaba.

Sawirrada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaarey labada makhaayadood iyo qaac cad oo kasoo butaacaya qaybaha hoose ee dhismaha.

Booliiska ayaa dalbaday in xogaha laga qaato ilaha rasmiga ah oo laga fogaado in la faafiyo ”ku tiri kuteen” aanay waxba ka jirin, lama se heli karo il 2-aad oo madax bannaan oo xaqiijin karta sida ay wax u dheceen.

Waxaa gebi ahaanba beenoobey war markii hore sheegayey in uu qarax kale ka dhacay magaalada ganacsiga ee Dubai.

Hadalsame Media