(Tokyo) 31 Agoosto 2020 – Sky Drive Inc. ayaa 25-kii bishan Agoosto waxay sheegtay inay tijaabo gaari cusub oo lagu magacaabo SD-03, kaasoo ah nooca duula oo markii ugu horreeysey lagu tijaabiyey Japan.
Gaarigan oo uu muddo 4 daqiiqadood ah uu hal duuliye/darawal wadey ayaa dhowr jeer kusoo wareegey meeshii lagu tijaabinayey ee Toyota Test Field, oo ay leedahay sharikaddan ugu wayn kuwa baabuurta farsameeya ee dalkaasi.
Waxay sheegeen inay doonayaan inay dadku mustaqbalka dhow caadi ula qabsadaan inay si caadi ah u adeegsadaan gawaari duulaysa oo qayb ka noqon doonta hab-nololeedkooda cusub.
SD-03 oo ah gaari duula midka haatan ugu yar caalamka, wuxuu ku shaqeeyaa koronto wuxuuna u kici karaa qaab joog ah, isagoo ku fariisanaya booska lagu baakimi karo 2 gaari, sida ay sheegtay sharikadda samaysay ee Sky Drive, wuxuu leeyahay 8 matoor si loo hubiyo amaanka dadka saaran haddii ay xaaladdu xumaato.
Shirkado badan ayaa haatan ku howllan farsamaynta gawaari noocan ah oo ah halka ay dunidu haatan u socoto.

Hadalsame Media