”Waa wax laga yaqyaqsoodo!!” – Xisbiga Dimoqraadiga oo lagu eedeeyey inay qoraalkii ugu dambeeyey ee jilaa saaka dhintay siyaasad u adeegsadeen (Arag fal-celinta)

0

(Washington, DC) 29 Agoosto 2020 – Kaddib dhimashadii faj’ada ahayd ee jilaagii 43-jirka ahaa ee ku caan baxay ‘Black Panther’, Chadwick Boseman, ayay taageerayaasha Dimoqraadigu bilaabeen inay dano siyaasadeed u adeegsadaan tweet-kiisii ugu dambeeyey, kaasoo uu ku taageeray Kamala Harris.

Waloow uu Boseman uu inta badan diiradda saari jirey howlaha taageerayaashiisa, arrimaha sadaqada, jilliinkiisa iwm, wuxuu markii ugu dambeeysey ee uu wax Twitter kusoo xarriiqo soo qoray ‘Haa Kamala Harris” isagoo raaciyey hashtag-yada “Vote2020” iyo “WhenWeAllVote.” ama ”codee 2020”. Waxay ahayd 11-kii Agoosto.

Haddaba, dad badan ayaa wax laga yaqyaqsoodo ku tilmaamay in kooxaha liberaalka Maraykanku ay olole siyaasadeed u adeegsadaan qoraalka jilaaga jeer la joogo isla maalintii uu geeriyoodey.

Qaar baa xitaa kaar isir adeegsadey oo ku dooday in caddaanka geed fadhiga u ah Xisbiga Dimoqraadigu ay lacagaysanayaan geerida atooraha, si ay codad badan uga helaan dadka madowga ah.

Jilaaga Chadwick Boseman oo jiley film-ka ‘Black Panther’ oo ay aad ugu faanaan dadka madowga ihi, ayaa muddo 4 sanadood ahba la hardamayey kansarka mindhicirrada isagoo ku dhintay gurigiisa iyadoo ay dhinac fadhiyaan xaaskiisa iyo qoyskiisu, sida lagu sheegay qoraal tacsi ahaa oo lasoo dhigay isla boggiisa Twitter-ka.

Halkan hoose ka eeg jawaabaha….

Hadalsame Media