Md Madaxwayna telefoonka qaado ee wac MW Farmaajo!” – Xildhibaan Kenyan ah oo soo jeediyey in Somalia kaalmo la waydiisto (Daawo)

0

(Nairobi) 29 Agoosto 2020 – Xildhibaanka John Mututho ayaa MW Kenya, Ahuru Kenyatta, ugu baaqay inuu kaalmo waydiisto dhiggiisa Somalia, Md Maxamed Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa daba socdey sida ay Somalia ula macaamishay dad lagu helay inay xadeen agab loogu tala galay la tacaalidda cudurka Covid-19, taasoo keentay fal-celin culus oo horay uga timid shacabka Kenya oo Somalia ku tilmaamay ”tusaale lagu daydo.”

Xildhibaankan ayaa hadda ku raacay sida ay dadkaasi soo jeediyeen, isagoo soo jeediyey in tillaabo dheeraad ah la qaado oo toos loola xiriiro MW Somalia.

”Somalia horay ayaan u caawinnay, hadda iyaga ayaannu kaalmo uga baahan nahay, Md Madaxwayne, telefoonka qaado oo wac MW Somalia oo kaalmo waydiiso” ayuu yiri Xil. Mututho.

Hadalsame Media