”Waxaad waddaan daandaansi dagaal keeni kara!” – Shiinaha oo digniin culus u diray Maraykanka

0

(Beijing) 28 Agoosto 2020 – Shiinaha ayaa digniin culus u dirtay howlgallada ay Ciidanka Badda Maraykanku ka wadaan Badda Koonfurta Shiinaha, iyagoo sheegay inuu ka dhalan karo dagaal aan lasii qorshaynin.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Xoogga Dalkaasi (PLA) ayaa sheegay in markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay uu fasax la’aan iska soo galay biyaha maxalliga ah ee Shiinaha.

“Waxaannu Maraykanka ku tirtirsiinaynaa inuu joojiyo dhaqankan daandaansiga ah isla markaana uu iska jiro ficillada dhalin kara shilal ciidan,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Li Huamin, oo intaa raaciyey inay Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda ee Shiinuhu ay la socdeen markii uu markabkani jibaaxayey Badda South China Sea.

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa dhankooda ku dooday in tillaabada ay qaadeen ay ahayd “howl-maalmeed” isla markaana waxay Washington sheegtay inay gobolka ka wadaan dhoolatus la yiraahdo “freedom of navigation.”

Shiinaha iyo Maraykanka ayaa guud ahaan isku il xumaa sanadihii dambe, iyagoo awal ku jirey dagaal ganacsi ayaa waxay xaaladdu sii xumaatay markii uu bilowday cudurka Covid-19 oo uu Maraykanku eeddiisa saarayo Shiinaha.

Shiinaha ayaa Arbacadii 2 gantaal oo riddada dhexe ah u ridey jiho ay Badda Koonfurta Shiinaha ka joogeen Maraykanku, kaddib markii ay aad uga caroodeen inay Maraykanku hawada soo geliyeen dayuuradda wax basaasta ee raadaarka ka dhuumata ee U-2 oo dusha ka duubaysey Ciidamada PLA oo dhoollatus samaynayey, sida lagu qoray South China Post.

Hadalsame Media