SADARRADA DHEXDOODA: Maamullada oo laba BALOOG u kala baxay (3 Maamul oo si dadban farta u taagey)

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2020 – MW Puntland, Siciid Deni & Jubbalanad, Axmed Madoobe, ayaa shalay soo wada saaray War Saxaafadeed ay ku sheegayaan inay Muqdisho u tegayaan sidii xal looga gaari lahaa moodalka doorashada heer qaran ee lagu muransan yahay.

Halkaa waxaa markale kasoo baxaysa inay fashilinayaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3 sidii ay horayba usii sheegeen, iyagoo diidey inay madasha yimaadaan oo ka sheegaan wixii ay qabaan.

In yar kaddib waxaa iyaguna War Saxaafadeed soo wada saaray Maamullada Galmudug, KF Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

Waloow aysan wax xumaan leh ama la qoonsado ku sheegin War Saxaafadeedkooda, misna waxaa meesha ka muuqata dabeecad cusub marka la eego siyaasadda Maamullada, taasoo ah inay 3-doodu wada socdaan, taasoo haddii sadarrada dhexdooda la akhriyana ay kasoo baxayso inay weli ku taagan yihiin Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay iyaguna diidi doonaan haddii la baabi’iyo ama la bedelo.

Hadda kubadda waxay taallaa garoonka ay ku wada ciyaari doonaan Villa Somalia iyo labada MW ee Puntland iyo Jubbaland.

 

Hadalsame Media