”Jidgooyo ayay noo dhigteen!” – Ruushka oo si rasmi ah war uga soo saaray sababta ay iskugu dheceen Ciidamada Maraykana (Daawo muuqaal aan horay loo arag oo kii hore ka dheer)

0

(Moscow) 27 Agoosto 2020 – Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka ayaa sheegtay in iska hor imaadka dhex maray Ciidamada Ruushka oo la arkayey iyaga oo cayrsanaya kuwo Maraykan ah aysan eeddeeda iyagu lahayn oo markii hore la isku dayey in jidka laga xiro oo jid gooyo loo dhigtay ay ka jawaabayeen.

”Waxaa xusuus mudan in Ruushku uu Suuriya u joogo si sharci ah oo waafaqsan Xeerka Caalamiga ah, halka uu Maraykanku ku joogo sharci darro. Dimishiq ma weerarin Maraykan, kumana casuumin Washington inay ciidan soo dirto.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay WG Ruushka.

Warkan ayaa waxaa Arbacadii shalay bilowgii faafiyey Politico oo xog ka helay Bentagon, waxaana la arkayey gawaari ay wataan Ciidamada Maraykanka oo ay cayrsanayaan kuwa Maraykanka oo 4 laga dhaawacay kaddib markii gaari lagu dhuftay, jeer ay dayuurad helakabtar ihi ciid ku kicinayso inta usoo dhowaatey.

Pentagon ayaa deeto war uu soo marsiiyey Golaha Amaanka Qaranka (NSC), aad u cambaareeyey Moscow oo ay ku eedeeyeen “hab-dhaqan aan amaan iyo xirfadlenimo ahayn.”

Yeelkeede, WG ayaa haatan soo bandhigtay muuqaal midkii Politico ka dheer oo si cad u muujinaya inay gawaarida Maraykanku bilowgii jidka u istaageen kuwa Ruushka.

Valery Gerasimov, oo ah Madaxa Abaanduulka Guud ee Ruushka ayaa dhiggiisa Maraykanka, Mark Milley, u sharraxay in Ciidamada Ruushku ay kaliya doonayeen inay meesha maraan, iyadoo meesha la isku helay ay tahay woqooyi bari Suuriya.

Waxaa xaaladda oo cakiran markii dambe kala qaboojiyey Ciidamada Buliisiya Milataaraha Ruushka oo arrinta soo farageliyey.

 

Hadalsame Media