Amiirka Urdun oo ”khaa’in” ku tilmaamay Dhaxalsugaha Imaaraadka & ceeb laftiisa ka raacday! (Arag jawaabaha)

0

(Camaan) 27 Agoosto 2020 – Amiir Cali bin Xuseyn, oo ah wiilka 3-aad ee Boqor Xuseynkii xijaabtey ee Urdun isla markaana ay isku aabbe yihiin Boqor Cabdallaha 2-aad, ayaa dood dhaliyey.

Amiirka ayaa shalay baraha bulshada ku faafiyey sawir dhaleeceeynaya xiriirka Imaaraadka-Israel isagoo tweet gareeyey sawirka Dhaxalsugaha Abuu Dabeey Sheikh Mohammed Bin Zayed oo lagu qoray eray “khaa’in” taasoo laftiisa aad loogu dhaliilay, waloow ay jireen dad ku taageeray.

Dadka Amiirka taageeray marka laga soo tago, kuwa diidey ayaa cuskanayey laba sababood:

1 – Inuu yahay qof ka tirsan Dowlad ay xiriir leeyihiin Imaaraadka, sidaa darteed, ay siyaasiyan ku fiicnayd inuusan moowqifkaa fiiqan istaagin.

2 – In Urdun lafteedu ay tahay dalkii 2-aad ee xiriir toos ah la yeesha Israel 1994-kii.

“Waa tweet cajiib ah iyo moowqif sharaf leh oo aad qaadatay. Ilaah haku dhowro.” ayuu qof soo qoray.

“Waxay u muuqataa inaad ilowdey in ay 1994-kii ay Urdun-Israeli heshiis nabadeed ku gaareen Wadi Araba.” ayuu qof kale xusuusiyey.

Tweet-ka ayaa markii dambe la dejiyey iyada oo la dhaafay mareegta maqaal uu qoray Prof Avi Shlaim, oo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Oxford University, kaasoo ka hadlaya in Imaaraadku ay dan rakhiis ah darteed heshiis ula galeen Israel, balse ay munaafaqnimo tahay inay sheegaan inay xeeriyeen danaha Falastiin.

Hadalsame Media