”Yaan laga iibsanin!” – Fannaanka Kanye & Adidas oo kabo ay naqshadeeyeen ku magacaabay laba MALAG & Muslimiinta oo ka xumaaday

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2020 – Heesaaga (rapper) Kanye West, oo sameeyey khad cusub oo kabo ah 2009-kii, ayaa lagu eedeeyey inuu xushmad tiray Islaamka, kaddib markii uu laba dufcadood oo kabihiisa ugu dambeeyey oo ka mid ah kabaha Yeezy Boost uu ugu magac daray laba malag oo waawayn.

Adidas ayaa kabaheedan cusub ku kala sheegtay Yeezy Boost 350 V2 Israfil iyo Yeezy Boost 350 V2 Asriel todobaadkii tegey, kuwaasoo ah labada malag ee ku kala qaybsan afuufidda suurka qiyaamaha iyo naf qaadista.

Dad badan ayaa Twitter-ka ku cambaareey arrintan iyaga oo fannaanka iyo Adidas ku eedeeyey inay u gefayaan Islaamka.

Waxaa sidoo kale jira petition la doonayo in dadka lagu boorriyo inay gebi ahaanba qaaddacaan iibsiga kabahan haddii aan magacyadaa la bedelin.

West iyo Adidas midkoodna kama hadal muranka arrintan ka dhashay.

Hadalsame Media