(Beijing) 26 Agoosto 2020 – Ciidamada Badda Shiinaha ayaa laba gantaal oo digniin ahaa u ridey jiho ay Badda Koonfurta Shiinaha ka joogeen Ciidamada Maraykanka si wararka lagu helayo.
Gantaalahan oo aan caadi ahayn oo uu ku jiro mid dila ‘maraakiibta dayuuradaha xambaara’, ayaa noqonaya kuwo muujinaya in Shiinuhu aanu hadda kaddib ogolaan doonin in galaangal daysan loo yeesho baddan oo ku taalla mandiqad aad loogu muransan yahay, sida ilo ku dhow ciidamada Shiinuhu ay u sheegeen South China Morning Post.
Midka kale waa DF-26, kaasoo wax ka dili kara masaafo aad u fog oo ilaa 4,000 km ah (2,485 mayl) wuxuuna xambaari karaa madaxyada nukliyeerka ah iyo kuwa caadiga ahnba, isagoo duqayn kara bartilmaameedyo bad iyo berriba leh.
Gantaalahan la ridey ayaa imanaya xilli ay Beijing dhiggeeda Washington ku eedeeynayso inay dayuurad kuwa basaaska ah ee U-2 usoo dirtay mandiqad duullimaadka ka caaggan oo ku taalla woqooyiga Shiinaha, halkaas oo ay Shiinuhu u meegaareen inay dhoollatus ku sameeyaan.

Hadalsame Media