DEG DEG: ”Waan tegayaa!” – Leo Messi oo Barcelona u sheegay inuu ka socdo & kooxaha saxiixiisa safka hore ugu jira

0

(Barcelona) 25 Agoosto 2020 – Halyeeyga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa la sheegayaa inuu dhegaha maamulka kooxdiisa ku dhibciyey inuu doonayo inuu ka tago naadigaasi.

Ilo hoose ayaa Goal u xaqiijiyey in 33-jirkani uu Fax u diray maamulka isaga oo kooxdiisa waydiistey in la dhaqan geliyo shuruud ku xiran qandaraaskiisa oo u ogolaanaya inuu si bilaash ah ku tago, waloow uuba caadiyan qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka fasalka soo aaddan.

Wararka sheegaya in aanu Messi Barca ku faraxsanayn hadda kaddib ayaa soo hor yeeshay markii ay kooxdiisa si xun u bahdishey kooxda Bayern Munich oo 8-2 uga reebtay rubuc-dhamaadka Champions League 14-kii Agoosto, iyadoo sidaa koob la’aan ku noqotay.

Barcelona ayaa kaddib cayrisey macallin Quique Setien iyo Maareeyihii Ciyaaraha Eric Abidal. Waxay kaddib xilka u dhiibeen macallin Ronald Koeman waloow uu ninkan Dutch-ka ihi muujiyey inuu doonayo inuu haysto jookarka Argentina oo weli laga rabo Camp Nou.

Kooxaha Inter Milan, Paris Saint-Germain iyo Manchester City ayaa ugu horreeya safka kooxaha doonaya waloow ay sidoo kale jirto aragti ah in uu u wareego horyaallada Major League Soccer iyo Chinese Super League.

Hadalsame Media