(Istanbul) 23 Agoosto 2020 – Turkiga ayaa doonaysa inay yeeshaan wax soo saar dhanka daafaca ah oo gebi ahaanba ka madax bannaan kaalmo dibadeed sida uu ballan qaaday MW Recep Tayyip Erdoğan oo mar dhow hadlayey.
Erdoğan, oo ka hadlayey munaasabad Ciidamada Badda lagula wareejinayey agab cusub oo Turki samee ah taasoo lagu qabtay Tuzla oo Istanbul ku taallla laguna dhiso maraakiibta dagaalka iyo kuwa rayidka ayaa sheegay inay hadda dhanka samaysiga agabka ciidamada iskaga filan yihiin ku dhowaad 70% oo ay 10 sano oo qura ku gaareen, balse ay doonayaan inay gaaraan 100%.
Turkey ayaa hadda ka mid ah 10-ka dal ee caalamka oo idil naqshadayn kara isla markaana dhisi kara maraakiibta dagaalka oo ay ku jiraan kuwa dayuuradaha xambaara oo ay hadda dhisme ku wadaan.
Erdoğan ayaa sheegay inay mashaariic intaa ka qoto dheer soo wadaan 5-ta sanadood ee soo aaddan.

Hadalsame Media