(Riyaad) 22 Agoosto 2020 – Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda in lagu cidleeyey heshiiska uu ku deg degey ee uu la galay Israel, kaddib markii uu heshiiskaa diidey dalkii ugu dhowaa oo ah Sucuudiga iyo Suudaan oo ka mid ah isbahaysiyada u dhow tan iyo ridistii Al Bashiir.
Amiirka Turki al-Faisal oo ka mid ah madaxda sare ee Sucuudiga ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray xiriir diblomaasiyadeed oo rasmiyan u dhexsada iyaga iyo Israel inta laga helayo dowlad Falastiini ah oo ay Qudus caasimad u tahay, taasoo meesha ka saaraysa warkii hore ee Maraykanka iyo Israel ku sheegeen inay Sucuudigu soo socdaan.
Cadadkii Asharq Al-Awsat ee Jimcihii, wuxuu Amiirku ku difaacey heshiiska Imaaraadku la galay Tel Aviv, balse wuxuu hoosta ka xarriiqay in Riyaad aanay heshiiskan waxba kala socon oo ay ”la yaabeen”, taasoo uu horay u sheegay Anwar Gargash, Wasiiru Dowlaha Dibedda ee Imaaraadka.
SUUDAAN – Dhanka kale Dowladda KMG ah ee Suudaan ayaa iyaduan 24 saacadood soo saartay warar is burrinaya. Afhayeenka WAD Haydar Sadig ayaa heshiiska Imaaraadka-Israel Talaadadii soo dhoweeyey isagoo ku tilmaamay ”tillaabo geesinnimo leh,” isagoo sheegay inay wada hadallo u socdaan iyaga iyo Israel, balse waxaa xilkii laga xayuubiyey Arbacadii.
Wasaarad Dibadeedka Suudaan ayaa war ay soo saartay markii dambe ku sheegtay inay “aad ula yaabtay” warka Sadig, iyadoo hoosta ka xarriiqday in aanu jirin wax wada xaajood ah oo keenaya xiriir diblomaasiyadeed oo u socda iyaga iyo Yuhuudda.
KUWAYT – Afhayeenka Baarlamanka Kuwayt, Marzouq Al-Ghanim, iyo 18 xildhibaan ayaa iyaguna keenay hindise looga hor tegayo in wax xiriir ah oo diblomaasiyadeed ay Kuwayt la yeelato Israel.
Xildibaan Muhammad Al-Dalal ayaa yiri: “Afhayeenka Baarlamanka iyo dhowr xildhibaan ayaa gudbiyey hindise sharciyeedkan oo diidaya in la bedelo Xeerka 21-aad ee 1964-kii loo sameeyay in aan wax xiriir ah lala yeelanin ISRAEL.
Arrintan ayaa muujinaysa inaysan dalal badan oo Carbeed iyo kuwa Muslim ihi aanay weli diyaar u ahayn inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan Israel, taasoo ka duwan hadalkii RW Israel oo uu ku sheegay inay jidka kusoo jiraan dalalka Sucuudiga, Suudaan iwm.

Hadalsame Media