(Muqdisho) 22 Agoosto 2020 – Wasaaradda Maaliyadda DF Somalia ayaa lacag kaash ah oo malaayiin doollar ah u qaybisay Maamul-goboleedyada dalka Somalia.
Lacagahan oo ay Wasaaradda Maaliyaddu toos ugu dirayso koontooyin-xisaabeedyada Maamul-gobaleedyada ayaa qayb ka ahaa Heshiiskii Dhuusamareeb 2, gaar ahaan dhanka qaybisga deeqaha.
Qaabkee loo qaybiyey? Maamulka Somaliland ayaa la siiyey lacagta ugu badan oo dhan $11.5 milyan oo doollar, waxaana xiga Maamulka Puntland oo faraqa loogu shubay $8.2 milyan oo doollar.
Maamullada Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle & Koonfur Galbeed ayaa midkiiba la siiyey lacag 1/3 ka ah midda ay qaateen maamullada aannu xusnay oo dhan $3milyan oo doollar oo qura.
Lama sharrixin sababta ay ku dhacday in xisaabta uu u dhexeeyo farqi heerkaa gaarsiisan, waloow la fahamsan yahay in madaxda maamulladan hoose ay yihiin kuwo aan inta badan gorgortamin.
Hadalsame Media