”Gurigiinna jooga!” – RW hore ee Itoobiya & qoyskiisa oo ay cabsiyi lasoo gudboonaatey

0

(Addis Ababa) 16 Agoosto 2020 – RW hore ee Itoobiya, Dr Hailemariam Dessalegn, ayaa lagu amray inuu gurigiisa ku sugnaado isagoo uu qoyskiisu wehlinayo.

Sababta ayaa lagu sheegay taxaddar laga muujinayo cudurka Covid-9 oo soo galay xayndaabka hoose ee hoggaamiyiii hore ee dalka Itoobiya.

”Madaxii ciidamada amaanka ee ilaaliya ayaa laga helay COVID-19,” ayuu soo qoray Dr Hailemariam Dessalegn.

”Aniga iyo qoyskayga waxaa nala geliyey is-go’doomin ilaa inta nalaka baarayo, balse waxba waa nalaka waayey.” ayuu daba dhigay isagoo guriga sii joogaya inta ay ka dhamaanayso muddada huurisku.

Hadalsame Media