Gabar lala yaabban yahay oo lagu arkay Chechnya (Laba cilladood oo aan caadi ahayn)

0

(Grozney) 15 Agoosto 2020 – Gabadha yar ee Amina Ependieva – oo ah 11-jir Chechen ah, ayaa ka yaabisay dunida, gaar ahaan culimada ku xeelka dheer culuunta hidde-sidka.

Amina ayaa waxay dhaxashay laba dhalan-rog oo dhanka hidde-sidka ah (genetic mutations).

Marka koowaad waxay qabtaa xaaladda naadirka ah ee Albinism oo ah in aanu jirku lahayn midab-sidaha melanin-ka, taasoo jirkeeda ka dhigaysa bayl cad.

Xaaladda 2-aad ee aad iyaduna naadirka u ah ee ay qabto waxaa la yiraahdaa Heterochromia taasoo ka dhigan inay indheheedu leeyihiin laba midab oo kala nooc ah (arag sawirka).

Hadalsame Media