
(Meru) 09 Agoosto 2020 – Jaadleeyda Meru ayaa halkoodii ka wada cabaadkoodii caalka waysnaa ee ku saabsanaa in Jaadka ay iibiyaan loo fasaxo Somalia, hadii kale ay noloshoodu baaba’ayso.
Wiil dhallinyaro ah ayaa ku qayliyey in haddii Jaadka loo fasixi waayo aanu jirin dookh kale oo u furan oo aan ka ahayn inay ku biiraan Al Shabaab.
”Jaadka waxaan ka helnaa quutul yoowmka, haddii aan wayno, waxaan ku biiraynaa Al Shabaab.” ayuu yiri isagoo sheegay inay Bumwani ugu yimaadaan dad Soomaali ah oo ku qalqaaliya inay Shabaab ku biiraan oo lacag qaataan.
Arrintan ayaa muujinaysa quusta ay taagan yihiin Qaadleeyda Kenya oo maalin kasta 100 milyan oo lacagta Kenya ah Somalia uga xayuubiya Jaadka oo burburiya qoysas badan oo Soomaaliyeed iyo hab-nololeedkooda.
Kenyan Khat dealers are becoming pathetic. An example being this look young man who says we will become a member of terrorist group Alshabaab if Somalia don’t lift bans on Khat flights.
We call Kenyan Khat farmers to seek alternative farming..@M_Farmaajo @KhadarGulaid pic.twitter.com/PAJLgh0A2N
— Abukar Awale ( Qaaddiid ) (@Abukarawale) August 8, 2020
Hadalsame Media