”Xiriirradu kuma shaqeeyaan hanjabaad & gooddin!” – Imaaraadka oo si jees jees ah ugu jawaabey Turkiga

0

(Abuu Dabeey) 04 Agoosto 2020 – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Qarqaash, ayaa si jees jees ah uga jawaabey war maalin dhowayd kasoo yeerey Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo ahaa ”inay la xisaabtami doonaan Imaaraadka Carabta” oo uu ku tilmaamay dal aan tabartiisa ogayn.

Qarqaash ayaa bartiisa Tawitter-ka sidan kusoo qoray: ”Warka daandaansiga ah ee Wasiirka Gaashaandhigga Turkigu waa jab cusub oo ku dhacay diblomaadiyadda dalkiisa,”

”Xiriirrada laguma maareeyo hanjabaado iyo gooddin, mana jiro khiyaal gumaasi waqtigan, waxaana Turkiga u wanaagsan inuu faragelinta ka daayo umuuraha Carbeed.” ayuu raaciyey.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, ayaa maalin dhowayd Imaaraadka ku eedeeyey inuu kacayo “falal aad u liita” oo uu ka wado Libya iyo Syria isagoo wacad ku maray inay Ankara taa u qabsan doonto marka la gaaro “goorta iyo goobta ku habboon”, sida lagu faafiyey Al Jazeera maanta.

“Imaaraadku wuxuu taageeraa kooxaha argagixisada ah ee la colka ah Turkey isagoo ujeedkiisu yahay inuu wax noo dhimo,” ayaa Akar laga soo xigtey. “Imaaraadku waa inuu gartaa itaalkiisa iyo cabbirkiisa yar iyo xadka uu la eg yahay musuqa iyo mucaaradnimada uu faafinayo.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media