MUSIIBO: Dalalka caalamka oo ka falceliyey qaraxa Bayruut & kaalmo ay ballan qaadeen (Somalia maka hadashay?)

0

(Bayruut) 04 Agoosto 2020 – Waxaa isa soo taraya waxyeellada qaraxa ka dhacay Bayruut oo haatan inta la ogyahay ay geeridu ku sii dhowdahay 80 qof, halka ay dhaawac yihiin ku dhowaad 4,000 oo qofood, waxaana hubaal ah inay aad uga badnaan doonaan intaasi marka la eego qarada qaraxa.

Dowladda Lubnaan ayaa magacowday guddi xaqiiqo raadin ah oo soo ogaada waxa uu salka ku hayo qaraxan, halka dunidu ay ka jawaabtey shilkan murugada leh.

“Midowga Yurub diyaar ayay u yihiin inay taageero bixiyaan,” ayuu soo qoray Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub, Charles Michel.

Madaxda Iiraan, Israel, Ciraaq, Urdun, Somalia, Turkey, Masar, UK, Ruushka, Talyaaniga, Belgium, Qadar, Faransiiska iwm ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan dalka Lubnaan, halka Aqalka Cad ee Maraykanku uu sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana Wasaarad Dibadeedka dalkaasi ayaa sheegtay inay diyaar la tahay “kaalmo kasta oo ay karaan”.

DF Somalia ayaa farriin ay hadda dhow soo dhigtay boggeeda Twitter-ka waxay ugu tacsiyeeysey shacabka Lubnaan.

“Israel waxay iyada oo mareeysa hilinnada amaan ee caalamiga ah ay la xiriirtey Lubnaan waxayna dowladda Lubnaan ugu yaboohday dawo iyo kaalmo aadminnimo,” ayay u akhrismaysaa warbixin ay soo wada saareen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibedda Israel, Beni Ganc iyo Gabi Ashkenazi, jeer ay Lubnaan iyo Israel ay farsamo ahaan yihiin dalal dagaashan.

 

tvn24.pl, BBC News, CNN News

PAP / EPA / WAEL HAMZEH

Hadalsame Media