Dhismaha jidka isku xiraya Muqdisho & Afgooye oo gaarey heerkii laami saarista + Sawirro cusub

0

(Muqdisho) 04 Agoosto 2020 – Waxaa laamigii lagu bilaabay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashruuc ay Qadar maalgelisey oo sidoo kale lagu dhisayo jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar.

Dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Afgooye oo hakad u galay cudurka karoonaha dartii ayaa beri dhowayd dib loo bilaabay, kaasoo uu dhismihiisu dhowaanahanba halkaa ka soconayay.

Waxaa is dhaaf dhaafaya gaadiidka qallaabiga ee iska rogaha loo yaqaanno, labbeellayaasha, kuwa laamiga kulul dhiijiya, iska rogayaasha sida jaayga iyo laamiga isku qooshan, cagafyada iyo wiishashka ku howllan dhismaha, qodista dhulka, qaadista iyo keenista carrada loo baahan yahay iyo midda meesha laga saarayo, iyadoo la doonayo in la dhiso jid laami ah oo casri ah oo laba saf oo cagsi ah leh oo uu midkiiba laba ka kooban yahay (two way street with two lanes each).

Waxaa la arkayaa gaadiidka Birta Culus oo jidka dhex ordaya waxaana naqshadeeyey injinneerrada dhismaha iyo Geometry-ga oo iskugu jira Soomaali iyo Turki, sida aannu goobta kusoo aragnay.

Waxaa haatan la simay carra-kaawadii lagu shubay jidka iyadoo la bilaabay in qaybta diyaarsan laamiga la saaro si qayba mar loo dhamaystiro.

Hadalsame Media