DAGAAL BAYOLOJIYEED: Dhakhtar Ruush ah oo ka digey arrin halis ah oo mustaqbalka looga faa’iidaysan karo cudurka Covid-19

0

(Moscow) 03 Agoosto 2020 – Cudurka faafa ee Covid-19 wuxuu u shaqeeynayaa sidii “boorsamiindo hubka bayolojiga ah,” ayuu ku dooday dhakhtar caan ah oo Ruushan ah, kaasoo sheegay in cudurkan dhaqse u faafaya lagu tijaabinayo tabarta hannaanka caafimaad ee caalamka.

Waraysi uu siiyey Forbes, Professor Leonid Roshal, oo ah Madaxa Mac’hadka Qalliinada Deg Degga ah iyo Dhaawacyada, ayaa sharraxay in aanay dalal badani u diyaarsanayn qul qul bukaan xaddigan la’eg, taasoo ku kashifantay sida ay cudurka ugu caalka waayeen.

“Markii aan u kuurgalay xaaladda haatan taagan, waxaan fahmayaa inay tahay boorsamiindo hubka bayolojiga ah,” ayuu yiri Dr Roshal.

“Ma lihi fayruskan waxaa sameeyey aadane… Balse waa tijaabo dadban ku aaddan xoogga hannaanka caafimaadka, oo ay ku jirto sida uu dalba ula tacaali karo ama iskaga difaaci karo weerar dhanka hubka bayolojiga ah.” ayuu daba dhigay.

Dhakhtarkan ayaa amaanay sida uu Ruushanku cudurkan ula macaamilayo, waloow Ruushka laga diiwaan geliyey 856,264 oo kiis oo Covid-19, kuwaasoo 5,000 oo cusubi ay maalintii kusoo kordhayso, isla markaana wuxuu 4-aad uga jiraa kiisaska guud ee caalamka oo idil kaddib Maraykanka, Brazil, iyo India oo qura.

Hadalsame Media