Donald Trump oo si cad u sheegay inuu doonayo muddo kororsi (Marmarsiiyaha uu keenay)

0

(Washington, DC) 30 Luulyo 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa soo jeediyey in muddada loo kordhiyo, isagoo keenay marmarsiiyo la yaab leh.

Wuxuu Twitter-ka in yar kahor kusoo qoray in haddii boosto lagu codeeyo doorashada 2020 ay taasi noqon doonto “doorashadii ugu khaladka iyo qishka badnayd taariikhda Maraykanka.”

“Waxay yax yax wayn ku noqonaysaa Maraykanka. Dib u dhig doorashada inta uu qof kasta u codayn karo si amaan ah oo saaxi ah.” Ayuu soo jeediyey.

Arrintan ayaa durba dood ka dhex abuurtay bulshada Maraykanka iyo caalamka oo la yaabban MW Maraykanka oo ah dal caalamka ku canaanta “dimoqraadiyadda”.

 

Hadalsame Media