Shirkad Kenyan ah oo dacwayn karta DF Somalia (Dacwad ka dhan ah Safaaradda Somalia ee Nairobi oo fashilantay)

0

(Nairobi) 28 Luulyo 2020 – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ganafka ku dhufatay dacwad laga keenay Safaaradda Somalia, maadaama uu ilaalinayo Qodobka 22-aad ee Cahdigii Viena sida ay xugmisay Garsoore Mary Kasango.

“Dhismayaasha safaaradaha lama geli karo haddii aan fasax laga haysan madaxa Safaaradda. Sidoo kale waxay leedahay xasaanad dhanka sharciga ah, marka laga reebo kiisas gaar ah,” ayay tiri.

Xukinka Justice Kasango ayaa yimid kaddib markii uu qandaraas qaate Kenyan ihi dacweeyey Safaaradda Somalia ee Kenya oo uu ku sheeganayo Sh23.4 milyan oo shilinka Kenya ah oo uu uga doonayo dayactir uu ku sameeyey 4 sanadood kahor 216-kii, markaasoo lagu heshiiyey Sh53.5 milyan aan qayb weli la bixin.

Safaaradda Somalia ayaan ka jawaabin dacwadda Kingsley Construction Limited, halka ay Justice Kasango xugmisay in haddii ay dacwad qabaan ay dacweeyaan DF Somalia, balse aan Safaarad la dacwayn karin.

“Sida aan qabo, Safaaraddu wax ma dacwayn karto, lamana dacwayn karo. Taa biddaalkeeda Kingsley waa inay dacwad ka dhan ah DF Somalia soo galaysaa,” ayay tiri, iyada oo aan la ogayn inay shirkaddu taa ku dhaqaaqayso iyo in kale.

Hadalsame Media