SAWIRRO: Masar oo soo gadatay miigag casri ah xilli ay Itoobiya is hayaan (Maraykanka oo u gooddiyey)

0

(Qaahira) 28 Luulyo 2020 – Ciidamada Cirka Masar ayaa helay dayuuradaha Sukhoi Su-35 oo ay Ruushka ka soo iibsadeen, kuwaasooo ay tiradoodu ilaa 5 gaarayso, sida uu faafiyey RT Arabic.

Maraykanka oo sanado badan wadey istaraatijiyad ku dhisan inuu hubka uu Israel siiyo mid ka hooseeya Masar iyo dalalka Carbeedba siiyo ayaa aad u diidanaa qorshaha Masar ay miigaggan casriga ah uga iibsanayso.

Maraykanka ayaa xitaa sanadkii tegey ku gooddiyey inuu Masar cunaqabataynayo haddii ay qorshahan kusii socoto.

Ninka Wasaarad Dibadeedka Maraykanka kala taliya arrimaha ciidamada, R. Clarke Cooper, ayaa carwadii dayuuradaha Dubai Airshow ee la qabtay Nofeembar 2019:

“Waxay iyaga [Egypt] gelinaysaa halis lagu cunaqabatayn karo oo ay weliba ku waayi karaa hub mustaqbalka la siin lahaa. Qaahira waa ka war qabtaa arrintaa.” ayuu yiri Cooper.

Yeelkeede, horraantii 2019-kii, ayay Masar qandaraas ku kacaya $2 bilyan oo doollar la gashay Ruushka si looga iibiyo 20 Sukhoi Su-35 oo ah tirada guud.

Dayuuradahan Ruush sameega ah ayaa u qalma noocyada Maraykanku sameeyo ee F-15 Strike Eagles, F/A-19 Hornets, iyo xitaa jiilka 5-aad ee  F-35, sida uu qorayo RT. 

Masar ayay Itoobiya isku hayaan biyaha Niilka Buluugga ah, halka ay Turkiga isku hayaan dagaal wakaaladeed ka socda Libya.

Hadalsame Media