MW Suudaan oo ku eedeeysan inuu hal meel ku aasay saraakiil ciidan (Xabaal wadareed la helay & dil toogasho ah oo…)

0

(Khartuum) 24 Luulyo 2020 – Dalka Sudan ayaa laga helay qabuuro wadareed loo badinayo in lagu aasay saraakiil ciidan oo 28 gaaraya kuwaasoo la khaarajiyey 1990-kii iyaga oo lagu eedeeyey inay afgembin rabeen MW hore ee Omar al-Bashir, sida uu sheegay Xafiiska Dacwo-oogistu.

Saraakiishan ayaa la sheegay in lagu diley duruufo la yaab leh oo ku gadaamnaa maxkamadayn qaadatay muddo sanad uun kaddib ah markii uu xilka xoogey isla Bashiir laftiisu 1989-kii, iyadoo aan goobta raggan lagu aasay aan la arag muddadii uu xilka hayey.

Arrintan ayaa waxaa baaraya koox ka kooban 23 khabiir oo lafaha dadkan baarayey muddo 3 todobaad ah, waxaana la qaadi doonaa baaris cilmiyeeysan (forensic), iyadoo uu Dacwad-ooguhu uu qoysaskii saraakiishan ugu laab qaboojiyey “inaan dembi noocan ah la isu dhaafi doonin”.

Bashiir ayaa Talaadadii maxkamad kasoo muuqday si wax looga waydiiyo afgembigii 1989-kii iyo dembiyo uu galay intii uu xilka haye, waxaana lagu xukumi karaa dil toogasho ah haddii dembiyada lagu helo.

Hadalsame Media