(Ghor) 22 Luulyo 2020 – Gabar dhallinyaro ah oo sin-dheer ah (teenage) iyo walaalkeeda ka yar ayaa diley laba nin oo ka tirsan maliishiyada Daalibaanka oo si arxan daran waalidkood ugu diley gobolka Ghor, Afghanistan.
Qhamar Gul, 15-jir, iyo walaalkeed Habibullah ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday ragga ay dileen iyagoo ku hubaysan AK-47 markii gurigooda lasoo weeraray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay gobolka Ghor, Arif Aber, oo xogta siiyey CNN.
Waxaa ilmahan dhalay oday caan ahaa oo beeldaaje ahaa isla markaana aad u taageersanaa dowladda, waxay sidoo kale Daalibaanku dileen hooyadood 16-kii bishan Luulyo, weerar ka dhacay degmada Tyora.
Qhamar iyo Habibullah Gul oo iminka la geeyey ”meel amaan ah” oo aan la carrabaabin ayaa aad arrintooda iyo geesinnimadooda looga hadal hayaa dalkaasi iyo dunida oo idil.
Maraykanka ayaa 29-kii Febraayo heshiis la gaarey kooxda Daalibaan oo muddo dheer dagaal dhib badan u gaystey maxalliyiinta dalkaasi.

Hadalsame Media