(Muqdisho) 22 Luulyo 2020 – DF Somalia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in ay ciidamo u dirtay ama u direeyso dalka Libiya oo uu ka soconayo dagaal sokeeye oo ay ku lug leeyihiin dalal badan oo dano is khilaafsan leh.
Wasiirka Arrimaha Dibedda DF ee Somalia, ayaa warkan oo inta badan ka imanayey saxaafadda dalalka taageera jeneraalka fallaagoobey ee Khaliifa Xaftar si buuxda u beeniyey.
“Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka annagu ma lihin calooshood u shaqeystaal, mana jiraan ciidan aan u direyno Libya,” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka dalka.
Dalka Libya ayaa waxaa ka dagaallama ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo inta badan la safan Ciidamada LNA ee Xaftar hoggaamiyo sida kooxda Wegner Group oo uu Ruushanku leeyahay.
Hadalsame Media