”Maalinta koowaad ee aan xilka la wareego waxaan baabi’inayaa xayiraadda la saaray Muslimiinta” – Joe Biden

0

(Washington, DC) 21 Luulyo 2020 – Musharraxa Dimoqraadiga ee u ordaya xilka madaxtinnimada Maraykanka, Joe Biden, ayaa ballan qaaday in haddii la doorto uu todobaadka 1-aadba soo af jaro xayiraaddii uu Muslimiinta saaray MW Donald Trump, isla maalinta 1-aad ee uu fariisto xafiiska ukunta u eg.

Warkan ayuu jeediyey mar uu la hadlayey gole siyaasi ah oo metela danaha Muslimiinta, isagoo u sheegay “inuu micne leeyahay codka Muslimiinta Maraykanku” sidaa darteed ay ka qayb qaataan doorashada Nofeembar.

“Bulshada Muslimiintu waa tan koowaad ee dareentay weerarka Donald Trump ee ka dhanka ah dadka madow iyo kuwa baroonka ah,” ayuu yiri Biden oo sheegay inay xamileen 4 sanadood oo aflaaddo joogto ah.

“Trump wuxuu shiday holac nacayb ah oo uu u adeegsadey erayadiisa, siyaasaddiisa, dadka uu magacaabay iyo afcaashiisa, waana inaad igala qayb gashaan xididda siibkiisa” ayuu raaciyey Biden.

Waxyaabihii ugu horreeyey ee uu Trump sameeyey 2017-kii waxay ahayd saxiixa mamnuucidda 7 dal oo Muslim u badan oo kala ah: Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.

Hadalsame Media