(Hadalsame) 20 Luulyo 2020 – Wargayska Carbeed ee Al Macrifah ayaa maqaal dheer ka qoray xukunkii Siyaad Barre ee caskariga ahaa ku bilaabay arrin cusub oo la xiriirta cidda dishey MW Cabdirashiid Cali Sharma’arke (AUN).
”15-kii Oktoobar, 1969-kii … MW rayidka ahaa ee Somalia, Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa waxaa khaarajiyey askari Booliis ah oo ka tirsanaa kooxda Akhwaanul Muslimiinka iyagoo ku haystey “inuusan dalka ku dhaqin shareecada Islaamka!!” ayuu qoray wargayska Al Macrifah.
Wuxuu intaa raacinayaa in iyada oo ay muuqato inay qabiilladu dagaallo qabiil galaan uu Maxamed Siyaad Barre dalka ku qabsaday inqilaab ciidan oo aan dhiigle ahayn, 21-kii Oktoobar 1969-kii, isagoo kaddib qab qabtay kooxo ”takfiiri ahaa”, sida uu warku u qoran yahay.
Wuxuu intaa kaddib qorayaa in Siyaad Barre uu dalka xukumay 21 sano kaddibna uu ka tegey isagoo dagaal sokeeye ku jira, ilaa ay markii dambe qabsadaan maxaakiimtii Islaamiga oo uu la xiriirinayo kuwaa hore.
Warka uu wargayskani qorayo ayaanay jirin cid marna kusoo hadal qaadday doodaha lagu gorfeeyo masraxyada siyaasadeed ee Soomaalida, iyadoo aan la ogayn inuu wargaysku dacaayad ula jeedo iyo inuu wax kale og yahay.
Hadalsame Media