(Ankara) 18 Luulyo 2020 – Waxaa maalin dhowayd ay Turkigu ku dhawaaqeen in Hagia Sophia dib looga dhigayo Masjid, taasoo keentay inay af labadii yeeraan dalal badan oo reer Galbeed ah iyo xitaa kuwo Carab ah oo ku doodaya inay taasi khalad tahay. Haddaba, imisa masjid ayay Yurub kaniisad ka dhigtay marka qayb yar uun laga eego dalal ka tirsan dhanka Balkan-ka, Bartamaha, Bariga iyo Koonfurta Yurub?
Nin Turki ah ayaa socdaal sahan oo uu ku kala bixiyey dhulalkii ay markii hore xukumi jirtey Khilaafadii Cusmaaniyiinta, ayaa waxa uu soo ogaadey in 329 masjid oo ku firirsan 18 dal oo Yurub ah loo rogey kaniisado ama minnaarado lagu xirey gambaleello.
Mehmet Emin Yılmaz oo u warramayey wakaaladda Anadolu Agency (AA), ayaa sheegay inuu muddo 10 sanadood ah u kuur gelayey dhismayaashii hore ee Cusmaaniyiinta, isagoo sheegay inay ugu daran yihiin 3-da dal ee Hungary, Bulgaria iyo Greece oo ka mid ah dalalkii uu mar xukumi jirey Turkigu.
“Waxaan bar gartay ilaa 329 masjid oo ay Cusmaaniyiintu dhiseen oo ay dheer yihiin goobo diinta lagu barto loo rogey kaniisado ku kala firirsan 18 meelood oo ku kala yaalla Algeria, Ukraine, Crimea, Georgia, Armenia, Bosnia-Herzegovina, gasiiradda Cyprus, Croatia, Kosovo, Macedonia, Moldova, Romania, Serbia iyo Turkey,” ayuu yiri.
FG: Xisaabta ku darso ninkani sooma bandhigin masaajidda ugu badan ee ku yaalla meel Yurub ka tirsan oo ah kuwa Iberia (Spain iyo Portugal), kuwaasoo ay muddo dheer Muslimiintu xukumayeen, balse aanay Cusmaaniyiintu marna xukumin, marka laga reebo dagaallo goos goos ah oo ay jasiirado ka tirsan kula galeen Ciidan badeedkii Spain ee Armada.




Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media